WARARKA SOOMAALI

Gaari laga soo dhacay gudaha Kenya oo si kedis ah loogu qabtay Somalia

Ciidanka dowladda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee ku sugan degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa gacanta ku dhigay Gaari nooca xamuulka qaado ah oo laga xaday Magaalada Nairobi.

Gaariga oo ay Nairobi kasoo xadeen burcad ayaa dib loogu wareejiyay Milkii lahaa, isla markaana waxaa dib loogu soo celiyay  Caasimadda Kenya oo markii horey laga soo xaday, iyadoo lagu isticmaalayay gaariga xuduudka labada dal.

Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay inay si wadajir ah qabashada gaariga ugu shaqeeyeen Ciidanka Kenya iyo kuwa Soomaalida ah ee sugan Dhoobley, sidaasina lagu qabtay.

“Ciidamada KDF ee sidda wadajirka ah ula shaqeynaya ciidamada amaanka ee Soomaaliya isla markiiba waxay ku dhaqaaqeen cil waxayna xireen dhamaan jidadkii looga bixi lahaa magaalada gudaheeda,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska ciidamadda Kenya.

Goobta milkiilaha gaariga loogula wareejinayay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Booliska degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose Maxamed Cabdi Cumar, Saraakiil ka tirsan Kenya iyo xubno kale.

Paul Kyullu oo ah Milkiilaha gaariga xamuulka ee lasoo xaday ayaa waxaa uu u mahadceliyay Ciidanka Kenya ee gaarigaas qabtay, wuxuuna mucjiso ku tilmaamay tallaabadii gaariga looga xaday.

SOMALI NEWS

To Top