WARARKA SOOMAALI

Puntland oo xukumo culus ku riday Siyaasiga Muuse Cali Jaamac & odayaal dhaliilay Madaxweyne Deni.

Boosaaso (HM)-Puntland Maxkamada Darajada kowaad ee gobalka Bari ayaa Maanta waxaa ay xukuno kala duwan ku ridey Siyaasiyiin iyo Odayaal dhaliiley Madaxda Maamulka Puntland.

Siyaasiyiinta iyo Odayaasha oo markii labaad Maxkamadda la horkeeney ayaa waxaa Maanta lagu xukumay Xukuno isugu jira Xabsi iyo Ganaax lacageed.

Maxkamada ayaa xabsi muddo saddex bilood ah iyo ganaax lacageed oo dhan $500 ku riday Siyaasi Muuse Cali Jaamac, Nabadoon Cabdullaahi Yuusuf Buuxe iyo Nabadoon Cawad Aadan Maxamed.

Halka laba sano oo xabsi iyo ganaax lacageed oo $1,000 ay maxkamadu ku riday Nabadoon Cabdi Casiis Bayadhabo iyo Nabadoon Maxamuud Aadan Rooble.

Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa Fadhiga ka sheegay in Siyaasiyiinta iyo Odayaasha ay ku cadaatay falka lagu eedeeyey oo ah icin dadweyne iyo aflagaado madaxda dowladda ah.

1-dii Bishan Janaayo ayaa Siyaasiyiinta iyo Odayaasha la soo taagay Maxkamada Gobolka Bari ee Magaalada Boosaaso,waxaana halkaasi lagu dhageystay Gar-maqalka dacwadda loo haysto,iyada oo ugu dambeyn Maanta la xukumay.

SOMALI NEWS

To Top