WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Gudoomiyaha maamulka Hargeysa Laascaanood ugu magacaaban oo dood ka keenay Taallada Sayidka-Video

Laascaanood (HM)-Gudoomiyaha maamulka Soomaliland Laascaanood ugu magacaaban Cabdiqani Jiidhe Maxamuud ayaa dood keenay Taalada Sayid Maxamed Cabdile Xasan oo bulshada gobolka Sool ay wadaan olale la doonayo in lagaga taago Magaalada Laascanood ee xarunta Gobolka Sool.

Wuxu sheegay in Taariikhda Daraawiishtu aysan ahayn wax bulshada ka dhaxaysa ee ay tahay wax reer Laascaanood iyo Jamuuriyadda Soomaliland ay leedahay taas oo ah been cad iyo iska indhotir xaqiiqada Taariikhda Daraawiisheed.

Wuxuu intaas ku daray inaan Laascaanood Taalo lagaga dhisayn Lacag uu sheegay in Garoowe laga uruurinayo oo haddii taalo laga taagayo Laascaanood ay Soomaliland taagayso isagoo soo qaatay hadalkii Saleebaan Cali Koore ee hadalkiisan u nooc ekaa.

HALKAN KA DAAWO

SOMALI NEWS

To Top