WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:-Maxaa caawa ka socda Gaalkacayo & Xaaf oo kasoo horjeestay Nabad iyo Nolol-Video

Gaalkacayo (HM)-Madaxweyihii xilkiisa ku wareejiyay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ee Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa mar kale sheegay in uu ka laabtay u wakiilashii wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ee arimaha Galmudug.

Xaaf ayaa Xalay magacaabay guddiga dhismaha Galmudug, waxa uuna sidoo kale Gaalkacyo ka billaabay wadahadalo uu la qaadanayo odayaasha dhaqanka iyo siyaasiinta qaaar.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Mas’uuliyiin badan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo hay’adaha kale ee dowladda ayaa saacadiihii la soo dhaafay baraha bulshada ku dhalleeceynayey Madaxweyne Xaaf, iyagoo sheegaya in uusan hadda waxba ka badali karin arrimaha Galmudug.

Hase yeeshee, waxaa jirta hal arrin oo sabab ka dhigeyso in lala heshiiyo Xaaf ama laga qanciyo dooda uu qabo ee ku saabsan arrimaha Galmudug.

Madaxweyne Xaaf waxa uu awoodaa in uu kiciyo beelaha Galmudug ee qaba tabashada, gaar ahaan beelaha daga Gaalkacyo iyo Cadaado, sidoo kale Xaaf waxa uu awoodaa in uu kiciyo Ciidamo beeleedka ku xoogan gobalka Mudug ee aan ku jirin diiwaanka dowladda islamarkaana ka careysan ciidamada kale ee laga diiwaan geliyay Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Haddii aan Xaaf laga hortagin kulamada uu wado waxaa dhici karta in beelo badan ay ka baxaan shirarka dhismaha Galmudug iyo in ay kacdoon sameeyaan ciidamada aan dowladda u diiwaan gashaneen ee ku xoogan gobalka Mudug, waana sabab dowladda ku qasbeysa in Xaaf la qanciyo.

Dhibaatooyin badan ayaa laga marayaa dhismaha Galmudug waxayna dowladda maalinba u taagan tahay xalinta albaab cusub oo soo furmay. In dhibaatada ay halkaan gaarto ama ay daba dheeraato waxaa sabab u ah danaha siyaasadeed ee laga leeyahay dhismaha Galmudug oo iska hor imaanaya.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top