WARARKA SOOMAALI

Akhriso:-Puntland oo sheegtay in Soomaaliland ka shalaayi doonto Colaada Gobalka Sool, Dagaalkuna sii socon doono-Warbixin

Garoowe (Horufadhi News)-Dhiilo colaadeed ayaa waxa ay weli ka taagan tahay Gobolka Sool gar ahaan deegaanadii hore dagaalku ugu dhexmaray maamuladda Somaliland iyo Puntland .

Colaada oo dib usoo rogaal celineysa ayaa timid kadib markii maamulka Somaliland ay Gaadiid dagaal iyo Ciidamo hor leh saacadihii lasoo dhaafay geeyeen aaga Dagaalka ama fadhiisimaha hore ee deegaanadii hore dagaalku ugu dhexmaray labada dhinac.

Gaadiidka iyo Ciidamada ayaa loola gol leeyahay in dib loogu soo nooleeyo dagaalka oo maalmahaani u muuqday mid laga caajisay,isla markaana kaliya ku soo ururay hadallo xanaf leh iyo Hanjabaado labada dhan is dhaafsadaan,Taalaabadan Soomaliland qaaday ayaa waxa i shaki galisay maamulka Puntland taas oo keentay Jawaab soo deg degtay,

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Eg Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey  oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa ay wado Somaliland uu noqon doono mid iyada ku laabta isla markaana ay ka dheefsan doonaan jawaab cawaqib xumo oo dhabarka loo saaro.

Cabdixakiim Camey, waxaa uu sheegay in dagaal hor leh ay ku qaadayaan fariisimaha Ciidamada Somaliland ay ku leeyihiin gobolka Sool gaar ahaan Deegaanka Tukaraq.

Madaxweyne Camey ayaa tilmaamay in ay sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan Somaliland, tan iyo inta ay Ciidamadeeda ka baxayaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Sool.

‘’Somaliland wey ka sheekeyn doontaa Puntland qorshuhuna waxa uu yahay in dagaalka uu sii socon doono inta askari dhinaca kale ah uu ku sugan yahay Sool’’ ayuu yidhi Mr Camey.

Waxaa uu intaasi ku daray in shacabka reer Puntland ay diyaar u yihiin in ay ka hor tagaan duulaan kasto oo kaga yimaada dhanka Somaliland.Sidoo kale, Camey ayaa ku goodiyay in Puntland ay u bareertay in Gobolka Sool ay saldhigyadeeda kusii lahaato inta uu maamulka jiro.

Haddalka Camey, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo maamulka Somaliland uu ku baaqayo wadahadal iyo in la qaboojiyo colaada.

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi oo shalay la hadlayey warbaahinta ayaa yidhi“Maanta Looma Baahnayn dagaal waa Nasiib darro, Inaynu dad iska dilno uma Baahnin,  Waxaa loo baahnaa inaynu is Kaashano, Anigu difaac ayaanu ku Jirnay Weerar uma Socono, ” Ayuu yidhi.

Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxay gobaladu nagu canaantaan ,waa Dhakhtarkaa lama dhisan,haalkas wadadaas lama dhisin, ceelkaas lama qodin,umana jeedno Dagaal iyo ciidan khasaare dhexdeena dhiig ka daata,waxaan leeyahay taasna waa iga waane aan ka waantowno,waad aragtaan qolada warbaahinta iyo Baraha Bulshada hadalada qaawan ee qabaa,ilka ah,waxaan leeyahay waa qalad.Somaliland isir kama jiree waa qaran isku mid ah,,.

Hadalka Muuse Biixi ayaa imaanaya xili xiisada colaadeed ee Somaliland iyo Puntlannd u egtahay mid meeshii ugu xumeyd maraysa isla markaana labada dhan ay warbaahinta isku dhaafsanayaan hadallo xanaf leh oo colaada sii hurinaya.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top