WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Barnaamijka Sanad guuradda warbaahinta Horufadhi Media,Warbixino falanqeyn iyo Qaadaa dhigista Dunida-Video

Muqdisho (Horufadhi News)-Mudo hal sano ah ayaa kasoo wareegtay markii si rasmi ah ay Warbaahinta Horufadhi Media TV qaybteeda Youtube si toos ah u bilowday in ay Baahiso isla markaana faafiso oo ka faalooto wararka Calamka ilaha diblamaasiyadda iyo xoggaha dunida June 5 -teedii 2017 ,Xiligaas oo uu qarxay Khilaafkii xooganaa ee ay waddamada Khaliijka ee Sucuudigu hogaaminayey godoomiyeen waddanka Qadar. Warbaahinta Horufadhi Media Group waxaa ay si guud iyo si gaar ahaaneedba ugu mahadcelinaysaa dhamaan Daaawadayaasheeda kala duwan kuwaas oo ku kala nool daafaha adduunyada isla markaana Barbar taagnaa Mudadii sanadka ahayd ee Warbahintu soo tabinaysay xoogaha iyo wararka Caalamka,Horufadhi Media ,waxaa ay leedahay Shacabka Soomaaliyeed ee ku taxan waad mahadsan tihiin mudnaan idilkeed idinka ayaa ay korkiina ahaatay eebbe ha idin karaameeyo,waaan idiinka mahad naqaynaa sidii aad noo bogaadiseen,noola dhacsaneedeen isla markaana aad ugu taxnaydeen wararka xaqiiqada ah ee aan idiin soo marsiin jirnay Halkan.

 

Waxaan rejeen doonaa inaad sidaas iyo ka sii wanaagsan noogu sii xidhnaan doontaan isla markaana aad xoojin doontaan doorkiina aad ka qaadataan faafinta wararka iyo Bulshadeena Soomaaliyeed kuwaas oo u jeel qaba warar iyo wacaallo diblamaasiyadeed oo hufnaan iyo tognaan ku dheehan tahay,si ay ugu xidhmaan adduunka Bulshada Soomaaliyeed isla markaana ay ula jaan qaadaan wacaallaha iyo sida adduunku isku kala gadinayo Horufadhi Media waxay balan qaadaysaa in ay ahaan doonto wehelkiina dhow ,idinka ayaan idiin shaqaynaa waadna mudan tihiin,in badan ayaan tallo isku leenahay enaga oo isku duuban,waxaan odhan karnaa waxaad tihiin daawadayaal Team adag oo naga mid ah laf dhabar weyna noo ah la,aantiin meel ma gaarneen warar sugan iyo xaqiiqooyin aad ku qanacdaan dhamaantiina halkaan inoogama soo burqadeen idinka oo ka raali ah.

 

Horufadhi Media waxaa ay xoojin doontaa isla markaana kordhin doontaa dadaalka ay ugu jirto in ay Bulshada Soomaaliyeed soo gaadhsiiso xogaha Diblamaasiyadda adduunku sida uu u kala jiidanayo ,sida uu iskugu soo dhawaanayo ,sida wadanba wadan mar dheega u saarayo,waxaana ka gaan ka gaan adduunyada dhex jibaaxi doonaa enaga oo tuurta ay noo saaran tahay dhiiri galintiina iyo garab istaagiina waxaana meel kasta ugu tagi doonaa xogaha iyo wacaallaha adduunyada ee aad u jeel qabtaan inaad ka haqab beeshaan isla markaana aad adduunka waxbadan ka koradhsataan.

HALKAN KA DAAWO BARNAAMIJKA SANAD GUURADA PART 1

Ugu danbeyn waxaan rejeynaynaa in mudadii sanadka ahayd aad wax badan iska kiin badaleen isla markaana aad ka haagteen xogo iyo warar lagu kalsoon yahay oo adduunyadda dacaladeeda kala duwan ah,waxaan umadda Soomaaliyeed u rajeynaynaa in Ilaahay ka dul qaado coladdaha iyo dhibaatooyinka ragaadiyey ee soo laab laabta ,sidoo kale in Bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda ilaahay qabyaaladda iyo isku foognaanta ka tirtiro isla markaana uu ugu deeqo indho dheer kuwaas oo ay ku arkaan halka adduunku maanta marayo sida loogu tartamayo Horumarka iyo Technolagy-yadda Caalamka isla markaana looga jiitay reer reerka iyo isku foognaantii hoose oo Caalamku tartarn xooggan ugu jiro dano joogta ah iyo wax wada qabsi.taas ayaan doonaynaa in Bulshadda Soomaaliyeedna ay doorkooda qaataan oo qayb ka ahaadaan jihada toosan ee adduunku u socdo.

 

Mahadsanidiin Dhamaantiin waan idiinka mahadcelinaynaa Hambalayadiina aad nala wadaagteen Sanad guuradda Warbaahinta Horufadhi Media ,si gaara waxaan ugu mahadcelinaynaa Daawadayaashii sida qiimaha badan uga soo qayb galay Barnaamijkii Dabaal degga sanad Guurada kuwaas oo si toos ah iyaga oo Caalamka dacaladiisa ku firidhsan nala soo wadaagay Muuqaaladooda iyo Hambalayadda iyo aragtidoodan wixii ay ka dheefsadeen Barnaamijka mudadaas sanadka ah,waxaan la Hilmaami doonin Dawadayaasha Reer Muqdisho oo door lixaad leh ka qaatay Barnaamijka Hambalayadda ,waan uga mahadcelinaynaa dhamaantood iyo dhamaantiinba.

HALKAN KA DAAWO BARNAAMIJKA SANAD GUURADA 2

SOMALI NEWS

To Top