WARARKA SOOMAALI

Puntland oo Digniin Culus u diray dad qorsheynaya fal abuuri kara rabshado

Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa soo saaray Digniin ku socota dadka degan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, xili laga cabsi qabo in halkaas ay ka dhacaan banaanbaxyo rabshado wata.

Taliyaha Booliska Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa  uu sheegay in Ciidanka amniga uu tallaabo Cad ka qaadi doono cid kasta wada falal amni darro, isla markaana lasoo qabanayo.

Laamaha amniga ayuu Taliye Xuseen Cali faray inay soo qabtaan qof kasta oo lagu tuhmo inuu fowdo iyo qas ka wado Gobolka, wuxuuna dadka uga digay inay dhigaan banaanbaxyo rabshado wata oo uu tilmaamay in la qorsheynayo in lagu qabto Booaaso.

Sidoo kale Taliyaha Booliska ayaa tilmaamay in marnaba aan la aqbali doonin in lagu xad-gudbo hantida shacabka Magaalada oo dhibaato loo geysto, isla markaana waxaa uu Ciidamada mar kale u amray inay lasoo qabto qofkii laamiga guba ama dhagax tuura.

Isaga oo sii hadlaayay Taliye G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayuu caddeeyay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono qofkii ay soo qabtaan laamaha amniga, waxaana uu sheegay in qofkaas xabsiga lagu xiri doono.

Hadalka Taliyaha Gobolka Bari ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyadoo shalay Magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal uu ka dhacay banaanbax looga soo horjeeday Sicir barar iyo diidmada lacagta Shlling Soomaaliga oo laga diiday Suuqyada Garoowe.

SOMALI NEWS

To Top