WARARKA SOOMAALI

DFS oo Beesha Caalamka ka raadinaysa dhaqaalaha ku baxaya Doorashada 2021

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa Maanta waxaa la filayaa in lagu qabto kulan looga hadlayo dhaqaalaha ku baxaya Doorashada dalka ka dhaceysa dhammaadka sandkaan 2020/2021, xili weli uu muran taagan yahay.

Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in ujeedka kulankan uu yahay sidii dowladda uga heli lahayd beesha caalamka lacagta ay u qorsheysay in lagaga caawiyo qabashada doorashada oo gaareysa $36 malyan oo dollar.

Sidoo kale Wasiir Beyle ayaa dhowaan sheegay in lacagta ku baxeysa doorashada waxa ay dhan tahay $40 Milyan oo Dollar, lacagtaas saami ahaan dowladda Soomaaliya ayaa ka bixineyso lacag dhan $4 Milyan oo dollar, halka Beesha Caalamka laga doonayo inay bixiso $36 Milyan dhammeystirto.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo si hordhac ah uga hadlay lacagtaas ayaa sheegay in loo adeegsanayo Safarada Guddiyada Doorashada Heer Federaal iyo  heer Dowlad Goboleed, Goobaha ay degayaan xubnaha Guddiga, Xafiisyada shaqada, Tababarada Ergada iyo Gunooyinka howlwadeenada.

SOMALI NEWS

To Top