WARARKA SOOMAALI

Kalluumeysato lagu la’yahay xeebaha Jubbada Hoose, kadib markii Badda…

Wararka aan ka heleyno xeebaha deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ay sheegaayan in halkaas saacadihii lasoo dhaafay ay ka kaceen Dabeylo xoogan.

Dabeysha ayaa waxaa saameyn xoogan ay ku yeelatay kalluumeysatada iyo doomaha ganacsiga ee shixnadaha ganacsi u qaada deegaano kala duwan, iyagoo ka cabsi qaba in dabeyluhu ay dhibaateeyaan.

Qaar kamid ah kalluumeysatada oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in badda lagu la’yahay saddex Doon iyo kalluumeysato la socday, kuwaasi oo xilii badda ay ku jireen dabeyl xoogan doonta la gedisay.

Axmed Maxamed Axmed oo kamid ah kalluumeysatada Kismaayo ayaa waxaa uu sheegay in shalay aysan badda aadin doomihii kalluunka keeni jiray, sababo la xiriira badda oo aad u kacsan, isla markaana lagu la’yahay kalluumeysato la socday saddex doon.

Sidoo kale Axmed ayaa tilmaamay in sare kac uu ku yimid qiimaha la kala siisto kalluunka ee Suuqyada Magaalada Kismaayo, ayna adeg tahay in xiligaan doomaha aadan badda, sidoo kalena aan la soo jilaaban karin kalluunka.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo xeebaha deegaanada Jubbaland ayaa sheegaya in ay socdaal dadaalo lagu baabi goobayo kalluumeysatada badda lagu la’yahay, kuwaasi oo saacadihii lasoo dhaafay dooman ay la socdeen dabeyl xoogan la gedisay.

SOMALI NEWS

To Top