WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Jubbaland oo Maanta ku wajahan Garoowe iyo ujeedkiisa

Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa Maanta waxaa ku wajahan Madaxweyaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Socdaalka Axmed Madoob ayaa waxaa ku wehlin doona xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo siyaasiyiin kale, waxaana Garoowe ka socota munaasabad lagu soo dhaweynayo wafdiga halkaas kusii jeeda.

Inta uu ku sugan yahay Garoowe ayaa waxaa uu kulan la qaadan doonaa dhiggiisa Madaxweye Saciid Cabdullaahi Deni iyo  Mas’uuliyiin kale oo ka qeyb galaya Shirkaas, isagoo kala hadli doona Arrimo kala duwan.

Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi la socday ayaa shalay gaaray Magaalada Garoowe, iyagoo uga qeyb geli doona Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage oo markii horreeyay lagu qabanayo Soomaaliya.

Saacadaha soo socda ayaa sidoo kale waxaa Garoowe wufuud kala oo qeyb galaya Shirka oo looga hadli doono Xasilinta Dalka amni ahaan, Dhameystirka Dastuurka, Qabashada Doorasho qof iyo cod ah Yagleelida Nidaam Federaal oo shaqeynaya.

SOMALI NEWS

To Top