WARARKA SOOMAALI

Guddiga Doorashada Qaranka oo soo saaray Habraacyada Doorashada Aqalka Sare

Guddiga lagu muransan yahay ee Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa ka dalbaday dowlad goboleedyada iney bilaabaan doorashooyinka xubnaha aqalka sare, iyagoo dhinaca kalena soo saaray habraacyada doorashada iyo foomamka ay buuxinayaan musharaxiinta Aqalka sare.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa Mamaulada loogu baaqay inay in ay qaataan doorkooda kaga aaddan fulinta hawlaha doorashooyinka iyo in ay guddiyada iyo shacabka Soomaaliyeed kala shaqeyaan sidii ay doorashooyinka u guuleysan lahaayeen.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xili Maamul goboleedyada qaarkood iyo siyaasiyiita mucaaradka ay si weyn u diidan yihiin guddiga doorashada iyo habka ay DF u wajaeyso doorashooyinka.

Lama oga maamulada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbee ay fulin doonaan dalabka uga yimid Guddiga lagu muransan yahay ee Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal, xili uu weli taagan yahay muranka doorashada.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Guddiga doorashada heer Federaal.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) ee 2020/21 isagoo tixraacaya faafinta rasmiga ahayd ee dhaqan galinta doorashada isla markaasna ahmiyad wayn siinaya dardargalinta howlaha doorashooyinka dalka ayuu maanta oo ay tahay 26ka Diseembar, 2020 u kala diray Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya habraacyada doorashada iyo foomamka ay u baahan yihiin inay buuxiyaan musharxiinta doorashada kuraasta Aqalka Sare.

Guddiga ayaa sidoo kale ka codsaday Dowlad Goboleedyada in ay si rasmi ah u bilaabaan diwaangalinta iyo qabashada araajida musharixiinta Golaha Aqalka Sare.

Guddiga wuxuu garawsan yahay baaxadda howsha hortaala iyo waajibaadka loo igmaday, wuxuu ku boorriyey mas’uuliyiinta Dowlad Goboleedyada in ay qaataan doorkooda kaga aaddan fulinta hawlaha doorashooyinka iyo in ay guddiyada iyo shacabka Soomaaliyeed kala shaqeyaan sidii ay doorashooyinka u guuleysan lahaayeen, una noqon lahaayeen kuwo daah furan oo xor iyo xalaal ah.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal waxay markale adkaynayaan in Madaxda iyo Barlamaannada Dowlad Goboleedyada ay kaalintooda ka qaataan sidii ay doorashadu ugu qabsoomi lahayd xiligeeda.

SOMALI NEWS

To Top