WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Puntland oo Go’aano Culus uga dhawaaqay Garoowe

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi llaahi Deni ayaa xalay soo saaray go’aano cusub oo lagu doonayo in wax looga qabto diidmada shilinka Soomaaliga ee ka taagan degaanada Puntland.

Madaxweyne Deni oo qalabka warbaahinta kala hadlay shacabka ayaa sheegay inuu ka xun yahay dhibaatada shacabka danyarta ah ka soo gaaray sicir bararka iyo diidmada shilinka Soomaaliga ah.

“Dowladda Puntland waxay go’aansatay in canshuurta dekadda Boosaaso 10% shillin Soomaali lagu qaado, adeegyada lacagta telefoonada la iskugu dirana $10 iyo wixii ka yar la isu diri karin arintaasoo aan ku wargelinay shirkadaha Isgaarsiinta” ayuu yiri Deni.

Waxaa uu intaas ku daray in maamulkiisu ka fekerayo talaabooyin kale oo lagu xoojinayo shilinka Soomaaliga, kuwaasoo uu sheegay in maalmaha soo socda la qaadi doono marka la go’aansado.

Hadalka Deni ayaa ku soo beegmay xili Muddaharaad xooggan oo looga cabanayo sicir-bararka iyo diidmada Lacagta Shilinka Soomaaliga ah uu shalay ka dhacay Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Ganacsatadu waxay sheegeen in maamulku aysan ogolayn inuu canshuurta ku qaaddo Shiling Soomaali, sidaas darteedna Lacagta Soomaaligu ka socon la’dahay dhinaca maamulka Puntland.

SOMALI NEWS

To Top