ciyaaraha

Musharaxiinta oo War kulul kasoo saaray dadkii lagu rasaaseeyay Muqdisho

Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si kulul u Cambaareeyay falkii shalay Askari ka tirsan Ciidanka dharcada ee dowladda uu ku rasaaseeyay dad banaanbax ka waday Magaalada Muqdisho.

Musharaxiinta oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa ay ku sheegeen inay aad uga xun yihiin Ninkii ku hubeysnaa Bastoolada ee rasaasta dushooda ku riday dad u badnaa dhalinyaro oo dhigaayay banaanbax nabadeed oo looga soo horjeeday Madaxweyne Farmaajo.

Midowga ayaa sheegay in Askarta dowladda ay fuliyaan hadalkii Madaxda dowladda ugu hanjabayeen Musharaxiinta ee uu ugu dambeeyay hadalkii kasoo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, laguna dhiira-gelinayay gacan ka hadal ka dhan ah Musharaxiinta.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayey Musharaxiinta ugu baaqdeen inay cudur ka bixiyaan falkii lagu rasaaseeyay gabdhihii banaanbaxa ka dhigaayay Muqdisho, isla markaana si deg deg ah sharciga loo horkeeno Ninkii falkaas geystay.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Musharaxiinta.

SOMALI NEWS

To Top