WARARKA SOOMAALI

Muddo xileedkii Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya oo Maanta ku eg

Maanta taariikhdu waa 27-ka Decemer, waxaana soo dhamaaday muddo xileedka Baarlamaanka 10-aad ee Federaalka Soomaaliya, waana afar sano ka hor maalintii la dhaariyay labada aqal oo wadajir.

27-kii December 2016 ayaa si wadajir ah loo dhaariyay Xildhibaanada Golaha shacabka iyo kuwa Aqalka Sare ee Baarlamaanka, waxeyna aheyd markii ugu horreysay uu dalka yeeshay laba Aqal.

Intii uu shaqeynayay Baarlamaanka 10-aad ee dowladda Soomaaliya ayaa waxaa uu qabtay howlo shaqo oo badan oo ay yihiin Ansixinta Hinse sharciyeedyo kala duwan u ah dowladda Federaalka.

Baarlamaanka 1-0aad ee waqtigiisu dhammaaday Maanta oo taariikhdu ay ku beegsan tahay 27 December sanadka 2020 ayaa xilka sii heynaya illaa laga dhaariyo Baarlamaanka 11-aad, si  aysan u dhicin firaaq hey’addaha Dastuuriga.

Gudoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa kalfadhigii ugu dambeeyay sheegay in xildhibaanada ay xilka sii heyn doonaan ilaa maalinta la dhaarinaayo midka badalaya ee 11-aad.

Muddo xileedka oo ka dhamaado Baarlamaanka labada aqal wuxuu kusoo beegmayaa xilli khilaaf siyaasadeed oo xoogan uu hareeyay doorashooyinka, sidoo kalana wali ma aysan ansixin golaha shacabka miisaaniyadda 2021 oo ay dowladda soo gudbisay.

SOMALI NEWS

To Top