WARARKA SOOMAALI

Puntland Deni oo lagaga kacay Magaalooyinka waa weyn kadib go’aankii Cashuurta-Akhriso

Garoowe (HM) – Kadib go’aankii xalay ka soo baxay Madaxweynaha Maamulka Puntland, Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ee ahaa in canshuuraha deegaanada maamulkaasi lagu qaado lacagta Doller-ka Mareykanka ah ayaa waxaa arrintaasi ka dhalatay caro dadweyne iyo dibad-baxayo maanta ka billowday deegaanada Puntland.

Dadweyne fara badan ayaa isugu soo baxay magaalooyinka waa weyn sida, Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo, kuwaas oo si isku mid ah uga soo horjeeday amarka Deni.

Dibad-baxayaasha ayaa ku qelinayey erayo ka dhan ah hoggaanka maamulkaasi, iyaga oo ku eedeeyey inuu uga sii darayo sicir bararka baahsan ee ka jira halkaasi.

Arrinta ugu ee ay salka ku heyso xiisadan ayaa ka soo billaabatay, kadib markii ganacsatada waa-weyn ay ka biyo diideen qaadashada lacagta shillinka Soomaaliga ah, halka kuwa yar yarna ay kasoo horjeesteen adeegsiga lacagta Dollerka Mareykanka ah.

Sidoo kale xeel-dheerayaasha dhanka dhaqaalaha ayaa rumeysan in go’aankan uu uga sii dari karo xiisada dhaqaale ee ka taagan Puntland.

Si kastaba go’aanka xalay kasoo baxay madaxweynaha dowlad goboledka Puntland ayaa maanta oo ay ku beegan tahay 1-da December ka dhaqan-galay maamulkaasi.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top