WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Musharriinta Madaxweynaha Soomaaliya oo qorsheynaya banaanbax Siyaasadeed-Video

Muqdisho (HM)-Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay isugu yimid wajigii labaad ee shirkooda kaddib shirkoodii todobaadkii hore ay go’aanada ka soo saareen.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Shirka xalay ayaa looga hadlay xaalada siyaasadeed iyo maareynta marxaladda kala guurka ee dalku galay, waxaana Musharaxiinta ay raad-raac ku sameynayeen go’aanadooda iyo tallaabada xigta ay qaadi doonaan.

Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa sheegay in wajiga labaad ee shirka uu ka soo qeyb galay Madaxweynaha Galmudug, ayna ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ku saabsan doorashooyinka iyo doorka Galmudug.

Ridwaan ayaa sheegay in Madaxweyne Qoorqoor ay ka dalbadeen inuu fuliyo qodobada kaga aadan war saxaafadeedkooda, si dalka ay uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal.

Midowga Musharaxiinta ayaa qorsheynaya tallaabooyin siyaasadeed, sida bannaan baxyo ay ka dhigaan Muqdisho iyo shirar ballaaran, si ay u xoojiyaan cadaadiska ay saarayaan dowladda Federaalka.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top