WARARKA SOOMAALI

Daawo:-War cusub oo kasoo kordhay ninkii qaabkii loo dilay Seynisyahankii ugu sarreeyay Iran.

Muqdisho (HM)-Dowlada Iran ayaa si weyn uga careesan dil qorsheesan oo jimcihii duleedka magaalada Tehran ee caasimada dalka Iran loogu geestay Seynisyahankii ugu sarreeyay dalkaasi Mohsen Fakhrizadeh.

Madaxa amniga Iran Cali Shamkahni, ayaa ku eedeeyay dilka Mohsen Fakhrizadeh in ay ka dambeeyeen Isra’il iyo koox mucaarad ah , waxa uuna cadeeyay in Iran jawaab ka bixin doonto dilkaasi.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Cali Shamkahni, ayaa sheegay in kooxdii fulisay dilka loo geestay Seynisyahanka ay adeegsadeen hub iyo qalab casri ah oo sahlay in la dilo Mohsen Fakhrizadeh xili uu gaarigiisa ku safrayay.

Seynisyahanka la dilay ee Mohsen Fakhrizadeh, ayaa ahaa ninka ugu caansan ee barnaamijka Niyukleerka Iiran, wuxuu kamid ahaa shakhsiyaadka ugu sarreeya ee ilaalada kacaanka Iran.

Maamulka Isra’il oo si weyn loogu tuhmayo dilka Senisyahankan ayaan wali ka hadlin eedeemaha Iran u jeedisay, waxa ayna Hogaamiyaasha Iran ku hanjabeen in ay qaadi doonaan tilaabo ugu aar gudayaan dilka Seynisyahanka.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top