WARARKA SOOMAALI

Maamulka Soomaliland oo si lama filaan ah uga hadlay Ciidamadda Mareykanku kala baxayo Soomaaliya-Akhriso

Hargeisa (HM ) War kasoo soo baxay Somaliland ayaa lagu sheegay inay soo dhowaynayaan Go’aanka uu Maraykanku ku sheegay in Ciidanka ka jooga gudaha Soomaaliya kala baxayo.

Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa sheegtay in ay soo gaartay wargelin dhaqan amar Madaxweyne ay kasoo gaartay Madaxweynaha Xilka kasii degaya Donald oo ah in Soomaaliya laga saaro Ciidamada Ameerikaanka ah ee Jooga.

Madaxweyne Trump oo Xafiiska wareejinaya 20-ka Janaayo 2021 ayaa damacsan in Soomaaliya uu ka saaro 700 Askari marka la gaaro 15-ka Janaayo 2021 oo ah Shan cishe kahor xil wareejintiisa.

Trump ayaa damacsan in uu geeyo dalalka Soomaaliya deriska ah askarta & saraakiisha uu ka saarayo Soomaaliya si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqa waxa uu uga yeeray Argagixisada Geeska Afrika.

Saraakiil katirsan Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ujeedka Trump ee ka saarista Ciidamada Mareykanka uu yahay sidii wax uga badali lahaa qorshaha ciidan ee Soomaaliya oo dhacda Geeska Afrika.

Hadaba Somaliland oo sheegata inay  ka madax banaan tahay Soomaaliya,  Maxay ka dhigan tahay inay soo dhowayso in Ciidanka Maraykanka laga saaro ?

Halkan hoose ka Akhriso.

SOMALI NEWS

To Top