WARARKA SOOMAALI

Trump oo amray in deg deg looga soo saaro Soomaaliya Ciidamadda Mareykanka iyo sababta-Akhriso

Muqdisho (HM)-Madaxweyne Donald Trump ayaa ku amray Waaxda Difaaca Mareykanka iyo Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM in horraanta sanadka soo socda laga soo saaro Ciidamada ku sugan Soomaaliya.

Illaa 700 askari oo ka socota Mareykanka ayaa ku sugan Soomaaliya, kuwaasoo dagaal kula jira Al-Shabaab iyo Daacish, isla markaana taageera Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Ciidamadan laga saarayo Soomaaliya ayaa la geynayaa dalalka deriska la ah Soomaaliya ee bariga Afrika, halka kuwa kalena la geynayo dalal ka baxsan Afrika.

Mareykanka ayaa sheegay inuu sii wadayo howlgalada ka dhanka ah Xarakada Al-Shabaab, isla markaana Ciidamada la geynayo Saldhigyo ku yaalla Jabuuti iyo Kenya ay ka qeyb qaadan doonaan fulinta howlgalada cadaadiska lagu saarayi Kooxaha Xagjirka.

Lama oga saameynta arrintan ku yeelan karto dhanka ammaanka, iyadoo Mareykanka taageero siinayay Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo uu ka taageerayay dhanka tababarada iyo Saadka.

Si kastaba ha ahaatee go’aanka uu Mareykanka ciidamadiisa ugala baxayo Soomaaliya ayaa ku soo aaday, iyadoo is bedel weyn ku yimid nidaamkii Trump oo looga adkaaday doorashadii dhowaan dhacday, waxaana Madaxweynaha cusub ee Mareykanka Joe Biden uu xilka la wareegi doonaa bisha soo socoto.

SOMALI NEWS

To Top