WARARKA SOOMAALI

Puntland Ciidamo ka gadoodsan Mushahar la,aan oo la wareegay xarunta Wasaaradda Maaliyada iyo Bankiga..

Ciidamo ka mid ah kuwa Birmadka Puntland ayaa lagu soo waramayaa inay la wareegeen xarunta Bankiga Magaalada Qardho iyo Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Magaaladaasi.

Ciidamadan ayaa ka gadoodsan arrimo la xiriira Mushaaraad dhawr bil ka maqnaa, waxayna ugu dambeyn maanta galeen xarumaha Maaliyadda Magaalada Qardho.

Shaqaalihii ku sugnaa xarumahan ayaa waxa ay ku amreen inay ka baxaan goobtaasi si nabadgelyo ah, waxaana intaasi kadib goobahan la wareegay ciidamada gadoodsan.

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo guda galay xalka arrintaan ayaa Saraakiisha ciidamada hoggaaminaysay waxa ay u sheegeen qayb ka mid ah Mushaarka ciidanka in la siinaayo.

Laakiin Saraakiisha ciidamada hoggaaminaysay ayaa iska diiday qayb ka mid ah Mushaarka ciidamada inay qaataan, waxaana ay u sheegeen masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda inay doonayaan ciidamada mushaaraadkii ka maqnaa oo dhan in la wada siiyo.

SOMALI NEWS

To Top