WARARKA SOOMAALI

Nin isku toogtay Afafka hore ee Aqalka cad ee Mareykanka iyo sida wax u dhaceen-Sawiro

Wararka ka imanaya magaalada Washington ee dalka Maraykanka ayaa sheegaya in nin aan la garanayn uu isku toogtay afaafka hore ee Aqalka Cad ee Maraykanka.

Sida ay saxaafada u xaqiijiyeen Sirdoonka dalka Maraykanka nin ayaa u soo dhowaaday darbiga Aqalka Cad gaar ahaan wadada Pennsylvania kahor duhurnimadii maanta xilliga Washington waxana uu ninkan soo baxsaday qori isagoo madaxa isaga dhuftay dhowr xabadood,

Falkan ayaa dhacay iyadoo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ka maqnaa Aqalka Cad isagoo nasasho u aaday Mar-a-Lago Florida.

Ninkan isu hortoogtay aqalka cad ee Maraykanka oo ujeedadiisa aan la garan ayaa la sheegay dad badan ay ku sugnaayeen meel aan ka fogeyn waxaana halkaas ka dhacay kala carar iyo jahawareer.

Aqalka Cad ee Maraykanka oo ah Madaxtooyada loogaga taliyo wadankaas ayaa waxaa hore uga dhacay falal la xiriira amniga dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

SOMALI NEWS

To Top