WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Baarlamaanka Soomaaliya Oo ku balamay Mooshin ka dhan ah Heshiiskii Dekeda Berbera-Video

Qaar kamid aha Xildhibanaada Baarlamaanka soomaaliya ayaa maanta dib u soo cuboonaysiiyay Mooshin ka dhan ah Heshiiskii Dekeda Ber bera.

Xildhibaan Aadan Isaaq oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa sheegay in kalfadhiga hada furmaya ay ku balansan yihiin inay mooshin ka dhan ah heshiiska Dekeda Berbera la hor keen Baarlamaanka Soomaaliya lagana doodo.

Xildhibaanka ayaa sheegay in heshiiskaas uu yahay mid sharci daro ah, isla markaana aanay marnaba la aqbali akrin.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Anaga Heshiiska waa ka hadalnay, waxaa u balansaneyn in kalfadhiga marka uu furmo dooda la guda galo oo mooshin heshiiskaas ku saabsan la soo bandhigo, horay ayaa loo keenay, laakiin mooshinkan wuu kaga duwan yahay in la soo bandhigay saamiga iyo qaabka loo kala qaatay”ayuu yiri Xildhibaanka.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa dhamaadkii sanadkii hore sheegay inay mooshin ka keeneen Imaaraadka Carabta saldhigga Milateri ee Berbera iyo heshiiska Dekeda, hase ahaatee mooshinkaas ayaa markii dambe hoos loo dhigay, kaddib markii uu soo fara geliyay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Muqdisho oo kulamo la qaatay Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxda dowladda.

Hase ahaatee mowqifka Xukuumadda ka qaadatay heshiiska saddex geesoodka ee ay saamiga Dekeda Berbera ku qeybsadeen dowladda Itoobiya, Shirkadda DP World iyo Somaliland ayaa waxaa uu dhabaha u xaari doonaa in Baarlamaanka kulamadiisa ugu horeeya looga doodo arrintaas.

 

SOMALI NEWS

To Top