WARARKA SOOMAALI

Odayaasha dhaqanka oo farageliyay khilaafka xoogan ee Farmaajo iyo RW Rooble

Wararkii ugu danbeeyey ayaa sheegay in Odayaasha dhaqanka ee Magaalada Muqdisho oo uu hoggaaminayo Suldaan Seed ay soo farageliyeen arinta khilaafka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Odayaasha ayaa ku guulaystay durbaba inay joojiyaan in hab qabiil la isugu baahaysto Madaxweynaha, iyagoo joojiyey waraqo ka soo bixi lahaa siyaasiyiinta ku deegaanka ah Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Suldaan Seed oo hoggaaminayey waftiga odayaasha ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha, waxana ay sheegeen in labadoodubbaa ay diyaar u yihiin wada hadal dadka dhex boodaya arintana gaar looga saaro.

Caqabadda ugu weyn ee hada taagan ayaa ah, magaca taliyaha nabad sugida qofka noqonaya oo ay ku adkaysanayana inay arkaan xubnaha dhanka R/Wasaaraha ka socda, halka Madaxweynuhuna leeyahay waa inaan aniga iyo R/Wasaaruhu isla afgaranaa qofkaas.

Waa markii koobaad ee Odayaasha dhaqanku arintan faragelin ku sameeyaan, iyadoo bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan inta dhaqan yaqaanka ahi ay ixtiramaan duubabka dhaqanka ee Soomaalida.

SOMALI NEWS

To Top