WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Diiwaangelinta Musharaxiinta Aqalka Sare ee Somaliland oo Maanta ku eg

Diiwaangalinta Musharaxiinta u taagan Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ayaa lagu waddaa in maanta lasoo gabagabeeyo ka dibna maalinta Berri loo gudbo tababarada ergada soo dooranaysa Xildhibaanada Aqalka Sare.

Diiwaangalinta ayaa bilaabatay maalintii khamiista aheyd ee todobaadkii hore , waxaana guddiga ay sheegeen in ay dardar galin doonaan hanaanka doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Jadwalka ayaa waxaa ku qoran in ay doorashada bilaaban doonto 28ka bishan oo ku beegan maalinta Talaadada  ee soo socota waxayna doorashada ku eg tahay 30ka bishan September 2021.

Dhawaan ayey markii Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Mahdi Guuleed ay Ra’iisul Wasaare Rooble u gudbiyeen Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare ee Somaliland.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

SOMALI NEWS

To Top