WARARKA SOOMAALI

Xubno ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish oo howlgal qorsheysan lagu qabtay

Cutubka la-dagaallanka Argagixisada u qaabilsan ciidanka PMPF ee Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ku qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish.

War qoraal ah oo ka soo baxay PMPF ayaa lagu sheegay in hawlgalkaas qorshaysan lagu bar-tilmaameedsaday xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab iyo Daacish inkastoo aan tiradooda la xusin.

Ujeedka howlgalka ayey Saraakiisha hoggaamineysay Ciidamada PMPF waxaa ay ku sheegeen inuu ahaa mid lagu doonayo in lagu xaqiijiyo amniga Magaalada Boosaaso oo kamid ah magaalooyinka loo Asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka.

“Ciidamada Ilaalada Badda iyo Beriga Puntland ee PMPF ayaa hawlgallo qorshaysan oo lagu bartilmaameedsanayo kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish ka fuliyey magaalada Boosaaso.”

Si kastaba Ciidanka Puntland ayaa dhowr jeer oo horey sidaan oo kale howlgalo ka dhan ahaa Al-shabaab iyo Daacish ka fuliyay deegaano ka tirsan dhulka buuraleyda ah ee Gobolka Bari, waxaana dhinacyada dhexmaray dagaalo khasaaro kala duwan geystay.

SOMALI NEWS

To Top