WARARKA SOOMAALI

Muuse Suudi ” Farmaajo iyo Dowladiisa Way adag tahay in lala Sii Shaqeeyo Beeshaydii Qarax baa lagu dhameeyey” video

Senator Muuse Suudi ayaa Shaki galiyay la Sii Shaqaynta Dowlada  Fadaraalka Soomaliya isgoo  tusaalaynaya arimo Badan oo ku saabsan Dowlada Talaabooyin ay ku Dhaqaaqday Waxana Senator Muuse Suudi  uu shaaca ka qaaday in Dowlada Soomaliya ay sii adag tahay in lala Sii Shaqeeyo madama dowlada si gaar ah ay isku dayday in degano dhawr ah laga cuuryaamiyo meelo badan oo horumar iyo dhaqaale  uu ka soo gali lahaa

HALKAN RIIX VIDEO DAAWO

Wuxuu soo hadal qaaday nidaamka awood qeybsiga dalka oo uu tilmaamay in Hrshabelle ay awalba uu qaladka jiray waxana uu tusaale usoo qaatay wasiirada Hirshabeelle laga siiyay xukuumadda Kuwaas oo kala ah midka qaraxyda lagu qabsado oo uu ula jeedo wasiirka amniga iyo midka qaraxyada sheega oo uu isagana ula jeedo wasiirka warfaafina in la siiyay waxaana uu shaacyay in maamulada kale la siiyay min seddex wasiir

isagoo arimahaasi ka Sii Hadlayay ayuu  si Kulul u Canbareyay Talabooyin badan oo dowlada ay qaaday talaabooyinkaasi uu u shegay in intooda badan ay u badnaayeen in gobalo gaar ah horumarka looga cuuryaamiyo waxana uu ka dalbaday madaxda qaranka in dalka iyo dadka si siman loogu wada loogu wada shaqeeqo oo aan cid gaar ah la isisiinin

SOMALI NEWS

To Top