WARARKA SOOMAALI

Kooxda Al-Shabaab oo doonaya Iney dilaan 200 oo Arday ah & Qorshaha Qarax lamid ah… Video

Sida aan wararkeenii hore idiinku soo gudbinay, Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in qaraxii ka dhacay maqaayad ku taal banaanka dekadda Muqdisho lala damacsanaa.

Taliyaha ciidamada Boolisa Dowladda Soomaaliya Janeraal Saacid ayaa sheegay in qaraxaas uu dilay 9 qof ilaa 20 kalana ay dhaawacmeen, laakiin bartilmaameedka qaraxaas uu ahaa goob uu ka socday mid kamid ah Imtixaanada qaranka oo ay arday badan ufadhiyeen.

Shabaab oo doonayay Qarax lamid ah Kii Hargaha iyo Saamaha

Kooxda AlShabaab oo sheegatay masuuliyadda weerarkii ka dhacay banaanka dekadda Muqdisho ayaa horey udishay ku dhawaad boqol arday xili ay natiijada imtixaankooda ka raadinayeen xaruntii Hargaha iyo Saamaha 4-tii bishii October 2011-kii.

RIIX HALKAN: DAAWOAAWO

Sida uu sheegay Taliye Saacid, AlShabaab ayaa donayay iney dadka xasuusiyaan xasuuqaas oo lagu laayay arday badan

Cabsi kale oo jirta

Kooxda Alshabaab ayaa la aamisan yahay iney sidoo kale Muqdisho soo gelisay gaadiid qaraxyo ah iyo rag dilal geysta.

Cabsi weyn ayaa soo food saartay ardayda ku jirta imtixaanka qaranka, taas oo ay udheer tahay in xili hore ardayda looga digay iney galaan imtixaanadda dowladda.

Si kastaba, dowladda ayaan awood u laheyn iney sugto amaanka dadka la xariira, gaar ahaan ardayda, odayaashii iyo ergadii kale ee soo xushay barlamaanka iyo shaqaalaha dowladda.

Saacadihii lasoo dhaafay Muqdisho waxaa ka dhacay dilal joogta ah iyo qaraxyo qasaaro geystay taas oo muujineysa in wali ay xaaladu adag tahay.

SOMALI NEWS

To Top