WARARKA SOOMAALI

Muuse Biixi oo la kulmay wafdi ka socda dalal dhowr ah oo Hargeysa u tegay…

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta waxaa uu kulan la qaatay Wakiilo ka socday dhawr iyo Toban waddan oo uu hoggaaminayo Agaasimaha guud hay’adda Brenthurst Foundation, Dr Greg Mills, kuna wehelinayaan madaxweynihii hore ee Sierra Leone Mr. Ernest Bai Koroma iyo xubno kale, kuwaasi oo Maanta gaaray Magaalada Hargeysa.

Muuse Biixi ayaa wafdiga warbixin guud ka siiyey hannaanka doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka ee ka qabsoomaya Somaliland 31-May-2021, waxaana Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada lagu sheegay in wafdigaaas ay Hargeysa u tageen kormeerka Doorashooyinka.

Sidoo kale, goobjoogayaashu waxay dhinacooda Madaxweynaha iyo Shacabka Somaliland ku bogaadiyeen horumarka ballaaran ee ay ku tallaabsadeen, kuna gaareen in Toddobada doorasho looga dareero deegaanada Somaliland.

Wafdi Maanta gaaray Magaalada gaaray Magaalada Hargeysa ayaa waxaa kala ka socdeen dalalka  UK, Canada, South Africa, Ghana, Uganda, Zambia, Kenya, Liberia, Tanzania, Zimbabwe, Namibia, Sierra Leone iyo Mozambique.

SOMALI NEWS

To Top