WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Dowladda oo War kasoo saartay kulankii RW Rooble iyo Beesha Caalamka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ay weheliyaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa warbixin ka siiyey Wakiilada Beesha Caalamka heshiiskii laga gaaray hannaanka doorashooyinka iyo sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay qabsoomida doorasho caddaalad ah oo dhinacyadu u siman yihiin.

Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya ayaa bogaadiyay heshiiskii uu hormuudka ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha ee Khamiistii laga gaaray arrimaha doorashooyinka dalka, iyagoo balan qaadeen sida ay uga go’an tahay taageeridda dhaqan gelinta heshiiska doorashooyinka ee la saxiixay.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Kulankaan ka dhacay Teendhada Afisyooni ayaa ku soo beegmaya, iyada oo khamiistii lasoo dhaafay heshiis labaad laga gaaray doorashada, ayna ka qeyb galeen Munaasabadda xeritaanka Shirka Madaxda DFS, Musharaxiinta, Wakiilo ka socday Beesha Caalamka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

SOMALI NEWS

To Top