WARARKA SOOMAALI

Madaxda Dowladda, DG iyo Beesha Caalamka oo Arrimo muhiim ka wada hadlay

Kulan u dhexeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble, Mdaxda dowlad Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ka dhacay Teendhada Afisyooni ayaa looga wada hadlay hirgelinta heshiiskii Doorasho ee la gaaray iyo sidii ay doorkooda uga qaadan lahaayeen gaar ahaan taageerada looga baahanyahay dhinacooda.

Sidoo kale Madaxda dowladda, kuwa maamul Goboleedyada iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ka arrinsaday sidii looga wadashaqeyn lahaa amniga doorashooyinka iyo fulinta heshiiska ka gaaray.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed Finish, Madaxda maamulada Jubbaland, Puntland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Beesha Caalamka ayaa Madaxda Soomaalida ku boggaadisay heshiiska ay ka gaareen khilaafkii muddo ku dhow sanad ka taagnaa doorashada dalka ka dhaceysa, isla markaana xusay inay taageeri doonaan hanaanka doorashada.

SOMALI NEWS

To Top