WARARKA SOOMAALI

Turkiga oo War kasoo saaray heshiiska Madaxda ka gaareen Doorashada dalka

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu soo dhoweeyay heshiiska Arrimaha Doorashooyinka ee Hoggaamiyaasha Siyaasadda Soomaaliya ku gaareen Magaalada Muqdisho.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ayaa bogaadisay dedaalka aan kala yareyn ee oo ay ku bixiyeen madaxda Soomaalida sidii uu u mira-dhali lahaa wadahadalka Doorashooyinka Soomaaliya u horseeday in muddo 60-cishe lagu qabto Doorashooyinka.

Turkiga ayaa garab istaagay u muujiyay mira-dhalka heshiiska kasoo baxay Shirka wadatashiga qaran ee Doorashooyinka Baarlamaanka & Madaxtooyada Soomaaliya looga dooday laguna jaangooyay.

Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada ayaa heshiis rasmi ah ka gaaray doorashada dalka ka dhaceysa, waxaana soo dhaweeyay heshiiska Beesha Caalamka iyo Midowga Musharaxiinta

SOMALI NEWS

To Top