WARARKA SOOMAALI

Muuse Biixi oo goordhow u baxay Jabuuti iyo Faratoon oo ka hadlay.

Laascaanood  ( HM) Wasiirka Arrimaha dibadda ee Maamulka Somaliland Yaasiin Faratoon oo hadda saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa sheegay in waftigii Somaliland ku matalaayay shirka Jabuuti ay hadda amba-baxayaan.

Wasiirku waxaa uu intaas ku daray in xubnaha shirka ku matali doona Somaliland ay ka kooban yihiin: Madaxweyne Biixi, Guddoomiyaha Guurtida, Afar wasiir iyo Dr. Edna Adan Ismaaciil.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Shirka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland  ayuu sheegay in ay agaasimeen dawladdaha Mareykanka iyo Jabuuti,  Waxaa sidoo kale la filayaa inuu kasoo Qayb galo Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo door weyn ka ciyaari doona shirkaasi.

Wixii warar ah ee kasoo kordha kala soco Horufadhi News

Sawir Muuse Biixi oo Safaray.
@Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top