WARARKA SOOMAALI

Wararkii Shirka: Magacyada Xubnaha Dowladda Federaalka ka tagaya Shirka Jabuuti-Akhriso

Muqdisho ( HM ) Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Tirada Rasmiga ah iyo Magacyada, weftiga heer Federaal ee ka qaybgalaya shirka wadahadalada arrimaha masiiriga ah loogu gogol-xaadhayo, Kaasi oo ka dhacaya maanta dalka Jabuuti.

1: Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mohamed Abdillahi Farmaajo.

2: Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hassan Ali Kheire.

3: Gudoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliyeed, Mudane Mohamed Mursal Abdirahman.

4: Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Maxamed Sabriye.

5: Wasiirka Was. Batroolka iyo Khayraadka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdirashiid Mohamed Ahmed.

6: Wasiir kuxigeenka Wasaarada Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Abdi Elmi.

7: Gudoomiyaha Gudida Madaxa banaan ee fulinta iyo dib u eegista Dastuurka Dowlada Federaalka Soomaaliya, Mudane Mohamed Dahir Farah.

8: Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Saleebaan Maxamed Maxamuud.

9: Xildhibaan, Garyaqaan, Marwo Maryan Cariif Qaasim.

Dawladaha jabuuti, Maraykanka iyo Itoobiya ayaa sidoo kale la filayaa madax ka socota inay Qayb ka noqdaan Shirkan iyo Furitaankiisa,  Waxaana isha  lagu hayaa Arimaha lagu Lafa guri doono.

Isha ku hay: Horufadhi News

Sawirada Xubnaha Dowladda ka tagaya Shirka Jabuuti.
@Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top