WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Wararkii ugu dambeeyay ee Jabuuti, Kulanka xasaasiga ah ee Farmaajo iyo Biixi-Video+Warbixin

Hargeysa (HM)-Wada hadalada u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa todobaadkan dib uga bilaaban doona dalka Jabuuti, kaddib sanado oo uu hakad ku jireen wada hadalada labada dhinaca, waxaana markaan wada hadaladu ay noqon doonaa kuwo ka duwan kuwii hore, marka loo eego wafdiga Miisaanka culus ee dowladda Soomaaliya ku tageyo shirkaas.

Madaxweyne Farmaajo Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ay shirkaas ka qeyb geli doona, halka dhanka Somaliland ay ka imaan doonaan wafdi culus oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

Xubnaha ugu tunka weyn waftiga ka imaanaya dhanka Soomaliland ee shirka tagaya ayaa waxaa kamid ah

1:-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan.

2:-Wasiirrka Arrimaha Dibadda Soomaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon.

3:-Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Xasan Saajin

4:-Wasiirka Xanaannada Xoolaha Siciid Sulub.

Wararka Shirka Jabuuti.
@Horufadhi News

Wada hadaladan ayaa waxaa gadaal si weyn uga riixaya Mareykanka, Midowga Yurub iyo dowladaha deriska sida Jabuuti iyo Itoobiya, sida aan xogaha ku helayno wada hadalada ayaa kuwo mudo badan laga soo shaqeynayay iyadoo uu Mareykanku dhabarka ka taagnaa markasta wada hadalada ayaa sidoo kale waxaa ku hoos-jira is dhex galka Gobolka Geeska Afrika oo ah sidii bulshada ku dhaqan Geeska Afrika u dhex mari lahaa is dhex gal dhaqan dhaqaale xooggleh.

Mareykanka ayaa juhdigii ugu badnaa ku bixinaya isagoo gacantiisa midigna uu taagan yahay ra,iisul wasaaraha Itoobiya oo isagu ilaa markii xilkaasi loo doortay si weyn ugu soo caanbaxay arrimahan. safaarada Mareykanka ee Soomaaliya safiirkeeda ninka lagu magacaabo Donald Yamamoto ayaa waxaa la sheegaya in uusan nasan bilihii u dambeeyay isla markaana hada uu ku jiro maalmihii ugu adkaa ee diblamaasiyadiisa madaama uu dhexda u fadhiyo arrin masiiri ah oo aad u culus.

Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa gordhawayd shaaciyay in uu maalinta berri ah shir guddoomin doono shir u dhaxeeya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kaasoo ka dhici doona dalka Jabuuti.

Horufadhi News

HALKAN KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY EE SHIRKA

WARARKA
@Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top