WARARKA SOOMAALI

Museveni oo weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Farmaajo +Video

Dalka Ugandha Yoweri Museveni, ayaa ka hadlay Siyaasada cusub oo ay hiigsaneyso dowlada federaalka ah ee Somalia ee uu Hogaamiyo Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Yoweri Museveni, ayaa sheegay in dowlada Ugandha ay dooneyso Somalia oo mid ah, isla markaana la jaanqaadeyso dowladaha kale ee hormarsan.

Yoweri Museveni, waxa uu sheegay in dowlada Ugandha aysan la dhacsaneyn in Somalia laga saaro ciidamada Midowga Africa ee AMISOM, waxa uuna taa bedelkeeda sheegay in dowlada cusub ay u muuqaneyso mid xaqireyso guulaha ay ciidamada AMISOM gaarsiisay Somalia.

Waxa uu tilmaamay in Ugandha aysan raali ka aheyn in ciidamadeeda ay sii joogan Somalia, balse ay danta ku qasbeyso inay fiiriyaan xaaladaha adag ee ka jira Somalia, maadaama ciidamadooda ay Somalia ku sugnaayen xili intaa kasii dhib badan.

”Dowlada Ugandha waxa ay dooneysaa wanaaga iyo horu socodka Somalia, waxaa inoo muuqaneysa in Madxaweynaha Somalia uu culeys u arko in ciidamada Midowga africa ee AMISOM ay sii joogan Somalia waa arrin u baahan inuu ka fiirsado ka hor inta aan la dhaqan galin dadaalada uu ugu jiro saarida ciidamadeena”

Waxa uu sheegay in ciidamada AMISOM ay qeyb ka yihiin ilaalada Madaxweynaha Somalia, wuxuuna nasiib darro ku sheegay in caalamka uu ka dalbado in garab lagu siiyo dadaalka uu ciidamada AMISOM uga saarayo Somalia.

”Waxaa inoo muuqda in degdeg ay ku jirto dowlada Somalia, haddii ay dhacdo in ciidamada Midowga africa laga saaro Somalia Madaxweynuhu kuma uusan fekerin in ciidamadiisa ay yihiin kuwo aan u diyaarsaneyn la dagaalanka Al-shabaab, waxaan Somalia u joognaa garab istaaga dowlada”

Madxaweynaha Somalia ayuu ku eedeeyay inaanu fursad siin ciidamada AMISOM, balse markii uu la wareegay talada dalka uu ku caga jugleeyay inuu saarayo ciidamada AMISOM.

Yoweri Museveni, waxa uu sheegay in Madaxweynaha Somalia uusan la imaan Siyaasad fog, waxa uuna carab dhabay in degdegta muuqata ay carqalad amni u horseedi karto Somalia oo iminka ku jirta xaalad aan caga wanaagsan ku taagneyn.

Yoweri Museveni, waxa uu Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ugu baaqay inuu la imaado Siyaasad ka fog tan uu iminka isticmaalayo waxa uuna si dadban u sheegay in Somalia ay ka hoos mari doonto sida ay iminka tahay waa haddii aan la sameyn Siyaasad degan.

Si kastaba ha ahaatee, Yoweri Museveni, ayaa ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono sida Somalia ay uga gudbi laheyd xaalada adag ee iminka ay ku jirto.

halkan video daawo

SOMALI NEWS

To Top