WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Midowga Musharaxiinta oo Digniin u diray Golaha Shacabka

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa uga digay Guddoonka Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka inay qaadaan tallaabooyin lagu dibindaabinayo xasilloonida iyo geeddi socodka doorashooyinka dalka sidii dhacday 12 April.

War-saxaafadeed ay soo saareen Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa ay Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyeen  inuu yahay caqabada weyn ee hor taagan in heshiis laga gaaro doorashooyinka dalka ka dhacaya oo weli lagu murasan yahay.

Golaha ayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ugu baaqay inuu si buuxda ula wareego hoggaanka doorashooyinka iyo amniga guud ee dalka, taasoo ay sheegeen in tallaabadan ay sahleyso dib u mideynta iyo kalsooni dhiska ciidanka qalabka sida.

Halkaan ka Daawo Warbixinta Midowga Musharaxiinta

SOMALI NEWS

To Top