WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Safiir Tarsan oo Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu is Casilo

Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Ambasador Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa fariin muuqaal ah uu soo duubay ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo in uu xilka iska Casilo marka uu hortago Golaha Shacabka.

Tarsan ayaana kula taliyay Madaxweyne Farmaajo ay saaxiibo ahaayeen in uu miisaamo xaalada dalku hada marayo, waxa uuna u sheegay in dalka karaamo kusoo galay uuna yimid isaga oo la jecel yahay hadana u fiican tahay in uu karaamo ku baxo.

Danjire Tarsan ayaa ugu baaqay Farmaajo markii uu Maanta hortago Baarlamaanka in uu xilka isaga tago si uu karaamo u helo, waxa uu sidoo kale kula taliyay hadii taasi dhici weyso in hoosha doorashada ku wareejiyo Ra’isul Wasaaraha isaguna noqdo musharax mar kale tartama.

Halkaan riix si aad u Daawato Muuqaalka Tarsan.

SOMALI NEWS

To Top