WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Golaha Shacabka oo kulan yeelanaya iyo Farmaajo oo hortegaya

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo sabti ah waxaa la filayaa in kulan aan caadi aheyn ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay khudbad uu jeedinayo Madaxweye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoona uga hadlaya xaaladda siyaasadeed ee Cakiran iyo dhacooyinkii ugu dambeeyay ee Muqdisho.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa Xildhibaanada ka codsanaya inay dib uga laabatan Go’aankii muddo kordhinta labada sanno ay u sameeyeen isaga iyo hay’addaha dowladda 12-kii April 2021, kaasi oo sababay in Caasimadda uu ka dhaco dagaal.

Halkaan riix si aad u Daawato Warbixinta Muuqaalka.

SOMALI NEWS

To Top