WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Shekh Shariif “Muddo kordhinta la sameeyay waxay ka liftay inay dad badan dhintaan”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Maanta dib ugu soo laabtay muqdisho ayaa ka hadlay xaaladaha siyaasadeed ee Soomaaliya, dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dhacay gaar ahaan dagaalkii ka dhacay Muqdisho.

Sheekh Shariif oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado in xilligaan oo lagu jiro Bil Ramadaan  Magaalada muqdisho uu ka dhaco dagaal uu dhiig ku daato oo laga baaqsan karay, hayeeshee uusan ku dheeraan ka hadalka waxyaabihii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa u sheegay in waxyaabaha la isku haayo ay tahay arrin siyaasadeed, taas bedelkeedana ay muhiim tahay in la helo xal siyaasadeed iyo hab nabadeed oo lagu heshiiyo, isaga oo u mahad celiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo wada dadaalo xal looga gaarayo dagaalkii dhacay.

Halkaan riix si aad u Daawato Muuqaalka.

SOMALI NEWS

To Top