WARARKA SOOMAALI

Mid kamid ah Madaxda Maamul Gobaleedyadda oo soo dhaweeyay is casilaadda Jawaari,waa kuma-Akhriso

Madaxweynaha Maamul goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa ka hadlay Is Casilaadii Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xaaf ayaa sheegay in Jawaari yahay Nabadoon qaatay go’aan loo baahnaa, waxa uuna sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka u tanaasulay sidii dalka looga bad baadin lahaa dib u dhac iyo bur bur kuyimaada.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Galmudug in Khilaafkii ka dhax aloosnaa Golaha Shacabka uu horseeday dib u dhac, waxa uuna xusay in muhiim aheyd in uu tanaasul sameeyo Jawaari.

” Waxaan u mahad celinayaa Gudoomiye Jawaari oo go’aan fiican qaatay, Jawaari waxa uu u tanaasulay in dalka la bad baadiyo oo dib u dhac laga ilaaliyo, waxaana ugu baaqayaa Baarlamaanka iyo Xukuumafda in Khilaaf dambe aan la abuurin ” Ayuu yiri Xaaf.

Madaxda Maamul goboleedyada dalka Somaaliya ka jira ayaa ku kala qeyb samay Mooshinkii laga gudbiyay Jawaari, waxa ayna Madaxda noqdeen kuwa taageersan Mooshinka iyo kuwa kasoo horjeeday.

SOMALI NEWS

To Top