WARARKA SOOMAALI

Daawo Wareysi:-Maamulka Puntland oo Gudoomiye Degmo usoo magacaabay Laascaanood xili Maamulka Somaliland ka arriminayo Sanado badan-Video

Maamulka Puntland ayaa guddoomiye degmo u magacowday magaaalada Laascaanood, oo Mudo dheer ay gacanta ku hayso Somaliland.

Wareegtada waxaa Ku saxiixan Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland ahna siihaya xilka Madaxweynaha Eng C.xakiim Xaaji cumar Camey.

Cabdiqani Makhtal Maxamed oo Xilkan loo magacaabay wuxuu ka mid ahaa Weriyayaashii hore ee ka howlgali jiray Warbaahinta Soomaalida, Wuxuuna isagoo ka hadlayey Xilka loo magacaabay ayuu sheegay in la joogi xiligii Laascaanod iyo guu dhaanba gobolka Sool ay usoo ceshan lahaayeen Talladooda, Wuxuuna sheegay inay Puntland hada usoo jeesatay gobolka sool.

Arintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo dhowaan Puntland ay qaybo kamid ah gobolka Sool  ay ka Bilowday dhaq-dhaqaaq ciidan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

SOMALI NEWS

To Top