WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xildhibaanadii Jawaari Mooshinka ka waday oo is casilaadiisa ku tilmaamay Geesinimo-Video+Warbixin

Isaga oo Warbaahinta kula hadlaayay afaafka hore ee xarunta Golaha Shacabka Somaliya Xildhibaan Maxamed Siciid oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya, ayaa wuxuu bogaadiyay tallaabada uu isku casilay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya.

Xildhibaanka ayaa sheegay Jawaari inuu qaatay go’aan geesinimo leh, islamarkaana uu soo gudbiyay iscasilaadiisa, wuxuuna sheegay tani inay qayb ka tahay nidaamka dimuqraadiyada Somaliya oo horumartay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xildhibaanka ayaa sheegay xubnaha Golaha Shacabka Somaliya inay soo dhaweeyeen tallaabadaasi,maadaama saddex todobaad oo isjiid jiid ah laga soo gudbay.

“Waa tallaabo geesinimo leh oo uu qaatay, waana Oday Somaliyed oo taariiqda dalka baal dahab ah ka galaya, waa jidkii Dimuqraadiyada oo la qaaday, waana hab la wada maraayo oo nidaamka dalka ah iyo horumarka qayb ka ah.” Ayuu yiri Xildhibaanka.

Xildhibaan Maxamed Siciid ayaa sheegay qorshaha hadda xiga iscasilaada Gudoomiye Jawaari inay tahay musharaxiin xilkaan u sharaxan inay yimaadaan, islamarkaana la maro hanaanka saxda ah ee doorashada Gudoomiye Baarlamaan.

SOMALI NEWS

To Top