WARARKA SOOMAALI

Meydka Dr. Cali Khaliig Galaydh oo goordhow Jigjiga laga soo qaaday-Sawiro

jigjiga ( HM ) Waxaa goor dhowayd magaalada Jigjiga ee Xarunta dawlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya laga soo qaaday Meydka Alle Alle ha u naxariistee Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cali Khaliif Galeyr oo khamiistii lasoo dhaafay ku geeriyooday magaalada Jigjiga .

Marxuum Galaydh ayaa lagu wadaa in maanta meydkiisa la keeno magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya

Diyaaradda sida meydka marxuumka ayaa la sugayaa, waxaana Garoonka Aadan cadde ku sugan guddiga qaban-qaabada aaska qaran, waxaana markii la keeno lagu tukan doonaa salaadda Janaasadda taasoo ay kasoo qaybgali doonaan masuuliyiin iyo madax sare oo ka tirsan .

Intaas kadib ayaa waxaa Aas qaran loogu sameyn doonaa qabuuro ku yaalla magaalada Muqdisho.

Shalay oo jimce ahayd ayaa la filayay in meydka marxuum Cali Khaliif  la keeno Muqdisho, hase ahaatee dib ayaa loo dhigay, kadib markii dood uu ka dhalatay halka lagu aasayo iyo Qoyskiisa oo dalbaday in baadhitaano dheeraad ah lagu sameeyo geeridiisa.

Dad badan oo Aqoon dheeraad ah u lahaa Prof. Cali Khaliif ayaa shaki galiyey sababta geeridiisa, balse Ismaamulka deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in Cali Khaliif Galaydh uu u geeriyooday Cudurka Covid-19.

Sawiro

SOMALI NEWS

To Top