WARARKA SOOMAALI

Wadahadallo Azerbaijan iyo Armenia kaga bilowday Moscow-Video

Muqdisho (HM)-Ciidamada Azerbaijan iyo Armenia ayaa wali isku horfadhiya gudaha iyo hareeraha Magaalada uu muranku ka taaganyahay ee Karabakh, Waxaana  wadahadalada kasocda Moscow ay sare uqaadayaan rajada ah in lasoo afjaro dagaalada ugu dhimashada badnaa ee Koonfurta Caucasus in kabadan 25 sano.

Diblumaasiyiinta ugu sareysa Azerbaijan iyo Armenia ayaa ku shiraya magaalada Moscow iyadoo dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka la haysto ee Karabakh uu galay maalintii 14-aad.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Labada dhinac ayaa bilaabay wadahadaladoodii ugu horreeyay ee heer sare ah, iyadoo rajo laga qabo in xabad-joojinta la dhexdhexaadiyo lagu dhawaaqo.

Afhayeenka Wasaaradda Arimaha Dibada ee Ruushka Maria Zakharova ayaa  barteeda Facebook soo dhigtay sawirka diblomaasiyiinta Russia, Armenia iyo Azerbaijan oo fadhiya miis wareegsan ee Moscow.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wuxuu casuumaad u fidiyay wasiirada arrimaha dibada ee Armenia iyo Azerbaijan, isagoo ku booriyay in la joojiyo dagaalka Nagorno-Karabakh, sababo bini’aadanimo awgood.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top