WARARKA SOOMAALI

Dr. Cali Khaliif Galaydh oo goordhow Muqdisho lagu aasay.

Muqdisho (HM ) Waxaa goordhowayd Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho laga soo dejiyey Meydka Alle ha u naxariistee Raysal wasaarihii  hore ee Soomaaliya, Dr. Cali Khaliif Galaydh sidoo kalana soo noqday madaxwaynihii Maamulka Khaatumo .

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, ayaa ku sugnaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyadoo haatan ay socoto salaadda Janaasada iyo sidoo kale Aaska meydka oo ay ka qeyb qaadanayaan inta badan madaxda dowladda federaalka.

Meydka Marxuum Cali Khaliif ayaa dadka soo dejinayay waxa ay xidhaayeen qalabka loogaga hortago Xanuunka Covid-19.

Lama oga in baadhitaan lagu sameyn doono meydka marxuumka iyadoo saraakiil ka tirsan ismaamulka soomaalida ee dalka itoobiya ay sheegeen inuu u dhintey Xanuunka Covid-19.

Madaxwaynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madax ka tirsan Goleyaasha kala duwan ee Dawladda iyo maamulada dalka ayaa ka qeyb galay Salaada Janaasada Ra,isulwasaarihii Hore ee Soomaaliya Marxuux Cali khaliif Galaydh.

Garaadka Guud ee Beesha Dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa kamid ahaa Wafdigii magaalada Jigjiga kasoo qaaday Marxuum Galaydh.

SOMALI NEWS

To Top