WARARKA SOOMAALI

Maxaa kasoo kordhay Gabadh Hooyo ah oo Kufsi iyo dil loogu gaystay Burco-Video

Burco (HM )-Warar dheeraad ayaa kasoo baxaya Haweeney xalay aheyd lagu dilay magaalada Burco  ee Xarunta Gobolka Togdheer.

Qaar ka mid ah wararka ayaa sheegaya in gabadha la kufsaday kahor inta aan la dilin,taasoo aad ay uga xumaadeen dadka ku nool magaalada Burco.

Haweeneyda la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Ugbaad Cali Dhaban-loox, isla markaana kamid ahey dadka deegaanka Burco, waxaana la sheegay inuu dilay Nin ay maalmihii lasoo dhaafay wada socdeen.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ciidamada Booliska magaalada Burco ayaa soo qabtay nin lagu tuhmayo inuu ka dambeeyay dilkii loo geystay Marxuuumad Ugbaad Cali Dhaban-loox, kaasi oo haatan ay ku socdaan baaritaano kala duwan.

Gabadha la diley ayaa la sheegay inay ahayd hooyo saddex carruur ah dhashay balse ay kala tageen ninkii hore u qabay.

Wixii kusoo kordha kala soco Waraka dambe

SOMALI NEWS

To Top