WARARKA SOOMAALI

Dib u dhac ku yimid keenista Meydka Gudoomiyihii Gobolka Banaadir

Mudisho (HM) – Waxaa dib u dhac ku yimid keenista magaalada Muqdisho meydka marxuum Cabdiraxmaan Cumar Yariisow guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir iyadoo guddiga qabanqaabada aaska uu sheegay in la keenayo berri oo ah maalinimo Axad ah.

Boqolaal ruux oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa dib uga soo laabanaya iyadoo saaka oo idil la sugayay keenista meydka.

Illaa iyo hadda lama oga sababta keentay dib u dhaca hase yeeshee dalka Qadar ayaa ah dal ay xayiraad ku soo rogeen wadamada qaliijka qaarkood.

Sababta dib u dhigtay keenista meydka Marxuum C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow kuma aysan dhawaaqin guddiga iyada oo ay soo baxayaan in ay jirto cillad dhinaca farsamada duullimaadka ah

Magaalada Muqdisho ayaa saaka inta badan la xiray,waxaana Ciidan badan la soo dhoobay Waddooyinka Muqdisho.

Yariisow ayaa waxaa uu Khamiistii u geeriyooday dhaawac 24kii Bishan ka soo gaaray Qarax ka dhacay aqalka dowladda hoose ee Muqdisho halkaas oo ay ku dhinteen dad ka badan 10 qof oo ka mid ahaa maamulka Gobolka Banaadir.

SOMALI NEWS

To Top