WARARKA SOOMAALI

Akhriso:-Wararkii ugu dambeeyay ee Maydka Marxuum Yariisow oo Muqdisho kusoo wajahan iyo Wadooyinka oo xidhan..

Muqdisho (HM)-Maydka guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, ahaana Duqii Muqdisho, marxuum C/raxmaan Cumar Cismaan [Yariisow] ayaa lagu wadaa in maanta la keeno Muqdisho, iyadoo la xiray waddooyin muhiim ah loona diiday gaadiidka.

Duqii hore ee Muqdisho ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Qatar oo looga daweynayay dhaawacyo kasoo gaaray qarax toddobaadkii hore ka xarunta dowladda hoose ee Xamar, kaasoo ay ku dhinteen xubno badan oo ka tirsan maamulka Dowladda Hoose ee Xamar.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in maydka marxuumka ay la socdaan qaar ka mid ah qoyskiisa oo dhawaan ka yimid dalka Ingiriiska iyo sidoo kale xubno ka tirsan safaaradda Somalia ay ku leedahay dalka Qatar.

Waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho ayaa la xidhay intooda badna waxaana ku sugan ciidammo fara badan oo diiiddan in gaadiidku ay maraan, inkastoo shacabka loo ogol yahay inay waddooyinkaas si caadi ah u maraan.

Dhanka kale, Aaska Qaran ee loo sameynayo Inj. Yariisow ayaa waxaa lagu wadaa inay ka qayb-galaan mas’uuliyiinta dalka ugu sarreysa qaarkood, inkastoo aan la ogeyn in Madaxweynuhu uu ka qayb-galayo iyo in kale.

Shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta fasaxan iyadoo ka qayb-galaya aaska loo sameynayo guddoomiyahoodii hore, waxaana tani ay kusoo beegmaysaa iyadoo weli loo baroor-diiqayo Duqii geeriyooday.

Ugu dambeyn, Qaraxii lagu dilay Guddoomiye Yariisow iyo xubinhii kale ee gobolka Banaadir ayaa loo xirxiray dhawr qof oo la sheegay inay ka tirsan yihiin maamulka gobolka Banaadir, inkastoo shaki weyn laga qabo sida uu qaraxan ku dhacay.

 

SOMALI NEWS

To Top