WARARKA SOOMAALI

Maxkamadda Sare ee Galmudug oo sharci ka dhigtay xil ka qaadista Madaxda Galmudug.

Maxkamadda Sare ee Galmudug ayaa go’aan ay maanta soo saartay waxay sharci ka dhigtay dhamaan  Xil ka qaadistii ka dhacday Cadaao ee lagu sameeyay dhamaan Madaxda Galmudug.

War saxaafadeed ka soo baxay Maxkamadda oo uu ku saxiixna Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Yaxye Sheekh Cali Maxamed ayaa waxaa lagu sheegay in xil ka qaadistii Baarlamaanka Galmudug uu ku sameeyay Madaxweyne Xaaf 26-kii bishii hore ay aheyd mid sharci ah.

Sidoo kale Maxkamadda ayay sharci ka dhigtay xil ka qaadistii Madaxweyne kuxigeenka Maxamed Xaashi Carabey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir.

Waxaa kaloo Maxkamadda Sare ay sheegtay inuu xilkiisa waayay Guddoomiye kuxigeenka 1aad Xareed Cali Xareed oo ka maqnaa fadhiga 118 maalmood.

Maxkamadda ayaa waxay fartay Guddoomiye kuxigeenka labaad Maxamed Aadan Macalin inuu noqdo Kusimaha Madaxweynaha Galmudug.

SOMALI NEWS

To Top