WARARKA SOOMAALI

Daawo- Madaxweyne Farmajo oo waraaqihii aqoonsiga ka Gudoomeyy Saiifka Sweden-SAWIRO.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirada dalalka Sweden iyo Austria ee u qaabilsanaan doona Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa maanta Safiiradan si kala gaar ugu qaabilay Xarunta Madaxtooyada, waxaana uu ka dhageystay warbixino.

Safiiradan ayaa balan qaaday inay Soomaaliya ka caawin doonaa kaabayaasha dhaqaalaha, Shaqo abuurka dhalinyarada iyo isweydaarsiga Ganacsiga oo  ay la wadaagaan Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad oo goob joog ka ahaa halkii Safiirada looga guddoomay waraaqaha ayaa sheegay in Safiiradan uu horay uga soo guddoomay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda nuqul ka mid ah waraaqahooda aqoonsiga.

Yuusuf Garaad ayaa sheegay in Safiirka Austria uu yahay safiirkii u horeeyay ee Soomaaliya u soo magacawday Soomaaliya, isagoo xusay in markii hore ay jiri jireen Qunsul sharafeed, balse tani ay tahay mid dhabe cusub u fureysa in Safiir ay u soo magacawdaan Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horay waraaqaha aqoonsiga uga guddoomay Safiiro ay dalal dhowr ah u soo magacaabeen Soomaaliya.

 

SOMALI NEWS

To Top